Tababare Sarri oo hal arin ka codsaday milkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich kahor finalka Europa League

(London) 19 Maajo 2019. Warar saxaafadeed ka soo baxay gudaha dalka England ayaa waxay shaaca ka qaadeen in macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri uu ka codsaday milkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich, in si dhaqsi ah loo go’aamiyo mustaqbalkiisa, hadii ay kooxda dooneyso inay shaqada ka ceyriso.

Waxaa jira shaki ku saabsan in 60 jirkan uu sii leylin doono Chelsea xili ciyaareedka soo socda, inkastoo kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ay xaqiijisay ka qeyb galkeeda tartanka ​​Champions League xilli ciyaareedka cusub, iyo in sidoo kale inay gaaraan finalka UEFA Europa League, kaddib markii ay balan kaga sameysteen kooxda ay dariska yihiin ee Arsenal.

Tababarihii hore ee kooxda Napoli ayaa helya dalabyo badan si uu markale dib ugu laabto horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga, isla markaana uu tababare ugu noqdo mid ka mid ah saddexda kooxood ee kala ah AC Milan, Roma ama Juventus, kaddib markii dhawaan lagu dhawaaqay in Massimiliano Allegri uu ka tagayo Bianconeri dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Hadaba wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in tababare Maurizio Sarri uu kala hadlay milkiilaha kooxda mustaqbalkiisa, wuxuuna ka codsaday in sida ugu dhaqsida badan uu ugu dhawaaqo shaqo ka ceyrintiisa kaddib finalka UEFA Europa League, hadii ay kooxda dooneyso inay bedasho macalinkeeda.

Waxaa jira warar sheegaya in halyeeyga kooxda Chelsea ee Frank Lampard uu noqon doono badalka Maurizio Sarri, kaddib markii uu ku hogaamiyay kooxda uu haatan leyliyo ee Derby County inay u soo dalaceen ka ciyaarista horyaalka Premier League.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close