Roy Keane oo si aan caadi ahayn u weeraray qaar ka mid ah xiddigaha Manchester United

(England) 19 Maajo 2019. Halyeeyga kooxda Manchester United ee Roy Keane ayaa weerar kulul ku qaaday ciyaartoyda Red Devils, sida caaadiga u ahayd xiliyadii lasoo dhaafay, laakiin hadaladiisa ayaa u muuqda kuwo si dhab ah loo qaadan karo waqtigan.

Roy Keane ayaa erayadii uu ku weeraray xidigaha kooxda Manchester United, kaddib markii ay soo bandhigeen xili ciyaareed niyad jab ah ayaa waxaa ka mid ahaa:

“Fiiriya Matthijs de Ligt, wuxuu hogaaminayaa kooxda Ajax waana xidig da’ayar ah, isla markaana qaata mushaar aad u yar”.

“Marcus Rashford wuxuu mushaar ahaan u qaataa £ 100,000 toddobaadkii wuxuuna dhalinayaa 10 goo kaliya”.

“Sidoo kale Jesse Lingard ayaa mushaar ahaan kaga qaata kooxda Manchester United £ 120,000 todobaadkii, si uu u muujiyo xirfadiisa uu ku isticmaalo Instagram -ka”.

Yeelkadeed Ciyaartoyda Manchester United ayaa si adag loo dhaleeceeyay wakhtiyadii ugu dambeeyay, sababa la xiriira inay wakhti badan ku bixiyaan baraha bulshada, gaar ahaan xili ay kooxda dhibaato ka heysato dhamaan heerarka kala duwan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close