Real Madrid oo guuldarro ay kala kulantay Real Betis ku soo xiratay xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga… + SAWIRRO

(Madrid) 19 Maajo 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guuldarro ay kala kulantay kooxda Real Betis waxa ay ku soo xirtay xilli ciyaareedkan horyaalka La Ligaha Spain.

Los Blancos ayaa iyadoo garoonkeeda joogta waxaa looga 2-0, waxaana ka adkaatay kooxda Real Betis oo marti u ahayd.

Kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah qeybtii hore ee ciyaarta.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Real Betis ayaa la timid goolka hore waxaana u dhaliyey  61’daqiiqo Loren Moron, kaddib caawin uu ka helay Andres Guardado.

Goolka labaad ee kooxda Real Betis ayaa yimid markale daqiiqaddii 75-aad, waxaana u dhaliyey Jese, kaddib kubbad uu caawinteeda lahaa Junior Firpo.

Real Betis ayaa awoodi kartay inay saddex gool ka dhaliso kulankan kooxda Real Madrid balse goolhayaha Los Blancos ayaa ka beeniyey fursado cajiib ah, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 looga adkaatay Zidane iyo kooxda Real Madrid.

Kooxda Real Betis ayaa guushaas ay ka gaartay Los Blancos ku soo gabagabaysatay horyaalka La Liga, halka Real Madrid ay guuldarro ku soo xirtay horyaalka.

Kulankan ka dhacay garoonka Bernabéu ayaa daqiiqad aamusnaan ah oo lagu xusuusanayo loo sameeyey Junquera, kaasoo Real Madrid u soo ciyaaray intii u dhaxaysay 1966 iyo 1975 ka hor inta aan kulanka la baasan.

Real Madrid ayaa fadhisa kaalinta saddexaad 68 dhibcood ayeyna la timid kaddib 38 kulan oo ay ciyaartay, halka Real Betis  ay ku dhammaysatay kaalinta 10-aad kaddib markii ay la timid 50-dhibcood 38 kulan oo ay ciyaartay.

Kooxda Real Madrid ayaa dhowr ciyaaryahan oo ka tirsan safkeeda waxa ay maanta ciyaareen kulankoodii ugu dambeeyey waxaana la warinayaa inay suuqa xagaagan ka tagi doonaan kooxda ka dhisan caasimadda Spain.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close