RASMI: Kabtanka Kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo ku guuleystay abaal-marinta Pichichi Trophy

(Barcelona) 19 Maajo 2019. Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaal-marinta Pichichi Trophy ee gool-dhalinta horyaalka La Liga.

Xiddiga reer Argentina ayaa xilli ciyaareedkan ku dhammaystay isagoo 36 gool ka dhaliyey horyaalka Spain, waxaana uu 15 gool ka badan yahay labada ciyaaryahan ee ku soo xiga ee Luis Suarez iyo Karim Benzema.

Lionel Messi  ayaa markiisii lixaad ku guuleystay abaal-marinta Pichichi Trophy ee gool-dhalinta horyaalka La Liga, waxaana uu ku qaaday 36-gool.

Waa markii saddexaad oo isku xigta ama xiriir ah oo xiddiga Barcelona uu helay abaal-marintan, waxaana uu sidaasi ku barbareeyey laacibka haystay rikoorka ninka ugu guulaha badan abaal-marintan oo ah xiddigii hore ee kooxda Athletic Club ee Telmo Zarra oo rikoorkan dhigay 66 sano ka hor.

Lixda goor Leo waxa uu gooldhalinta horyaalka ugu kala guuleystay sidan hoose:-

🏆 09-10: 34 gool

🏆 11-12: 50 gool

🏆 12-13: 46 gool

🏆 16-17: 37 gool

🏆 17-18: 34 gool

🏆 18-19: 36 gool

Xiddiga reer Argentina ayaa sidoo kale tartan ugu jira ku guuleysiga abaal-marinta Kabta dahabka ah ee gool-dhalinta Yurub oo uu rabo inuu ku guuleysto markiisii saddexaad oo xiriir ah iyo markiisii lixaad ee xirfaddiisa ciyaareed.

Messi waxaa abaal-marintan kula tartamaya Kylian Mbappe oo u baahan inuu dhaliyo afar gool ka badan si uu uga dul qaado, waxaana weeraryahanka reer France uu haystaa inuu goolashaas ku dhaliyo kulanka horyaalka Ligue 1 ee u harsan kooxdiisa PSG.

Halkaan hoose ka eeg sida loo kala hoggaaminayo haatan gooldhalinta horyaalka La Liga oo soo dhammaaday:-

Kaalinta Ciyaaryahanka Kooxda Goolasha
1 Lionel Messi Barcelona 36
=2 Luis Suarez Barcelona 21
=2 Karim Benzema Real Madrid 21
4 Iago Aspas Celta Vigo 20
5  Crhistian Stuani Girona 19
6 Wissam Ben Yedder Sevilla 18
7 Borja Iglesias Espanyol 17
8 Antoine Griezmann Atletico Madrid 15
=9 Jaime Mata Getafe 14
=9 Jorge Molina Getafe 14
=9 Charles Eibar 14
=9 Raul de Tomas Rayo Vallecano 14

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close