Kooxda AC Milan oo doonaysa xiddig ka tirsan Arsenal si uu bedel ugu noqdo Cristian Zapata

(Milano) 19 Maajo 2019. Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa la soo warinayaa inay doonayso inay la soo saxiixato xiddig ka tirsan naadiga Arsenal.

Jariiradda dalka Talyaaniga ka soo baxda ee Calciomercato ayaa warinaysa in Kooxda AC Milan ay qorsheynayso inay u soo dhaqaaqo difaaca naadiga Arsenal ee Shkodran Mustafi.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in kooxda Milan ay doonayso in Mustafi ay ka dhigato bedelka ciyaaryahankeeda Cristian Zapata.

Kooxda ka dhisan horyaalka Serie A ayaa doonaysa inay dalab rasmi ah ka gudbiso xiddiga xulka qaranka Germany ee Mustafi, kaasoo ku guuldarreystay inuu booska joogtada ah ka helo macallinka Gunners ee Unai Emery.

Dhinaca kale Zapata ayaa u muuqda inuu isaga tagi doono garoonka San Siro kaddib markii aan loo soo bandhigin heshiis kordhin uu ku sii joogayo kooxda Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close