Koox reer England ah oo hogaamineysa raacdada ay naadiyada waaweyn ee Yurub ugu jiraan heshiiska Hakim Ziyech

(England) 19 Maajo 2019. Wargeyska “The Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal ay hogaamineyso loolanka loogu jiro heshiiska xiddiga khadka dhexe kooxda Ajax ee Hakim Ziyech.

Xiddiga reer Morocco ayaa soo jitay indhaha kooxo fara badan ee qaarada Yurub ah, kaddib markii uu xili ciyaareedkan bandhig fiican ka sameeyay naadigiisa Ajax, gaar ahaan tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Ajax ee Marc Overmars ayaa ku dhawaaqay inuu  tagayo Hakim Ziyech suuqa xagaaga ee soo socda, haddii ay dhacdo in dalab fiican ay ku helaan adeegiisa.

Sida laga soo xigtay “Toksport” warkan ayaa wuxuu u wanaagsan yahay kooxda Gunners, maadaama ay doonayaan in 26 jirkan ay kula soo wareegaan aduun dhan 25 milyan ginni.

Hakim Ziyech ayaa horey u sheegay inuu ku riyoonayo u ciyaarista labada kooxood ee Barcelona iyo Arsenal, taasoo laga yaabo inay gacan weyn ka helaan  Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Ajax ee Marc Overmars oo horey u soo xirtay maaliyada Gunners, si laacibka uu u yimaado Emirates Stadium.

Waxaa xusid mudan in Hakim Ziyech uu bandhig fiican ka sameeyay xili ciyaareedkan kooxdiisa Ajax, wuxuu dhaliyay 21 gool, isagoo dhinaca kale caawiyay 24 gool kale, laacibka reer Morocco ayaa sidoo kale ku guuleystay abaal marinta xidigii ugu fiicnaa xili ciyaareedkan kooxda Ajax.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close