Hordhac: Real Madrid vs Real Betis – Los Blancos oo soo afjari doonta fasal ciyaareed ay tahay iney iska ilowdo.

(Spain) 19 Maajo 2019. Real Madrid ayaa maanta dhameysan doonta fasal ciyaareed ay tahay iney iska ilowdo maadaama ay xaqiijisteen iney kaliya ku dhameysan doonaan booska saddexaad iyagoo aan wax koob ah ku guuleysan.

Real Betis ayey soo dhaweyn doonaan maanta, kooxda martida ah qudheeda booska 10-aad ayey ku dhameysaneysaa iyadoo qaadatay fasal ciyaareed murugo leh.

Dhawr ciyaartoy ayaa laga yaabee iney ciyaaraan maanta kulankooda ugu dambeeya kooxdooda maadama xagaaga isku shaandheyn badan lagu sameyn doono kooxda.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Real Madrid vs Real Betis

Tartanka: La Liga

Garoonka: Santiago Bernabeu

Garsoore: Alberto Undiano Mallenco (Spain)

Saacadda: 1:00 Duhurnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Sergio Ramos ayaa laga yaabaa inuu kooxda dib ugu soo laabto isbuucaan, 7-dii ciyaarood ee ugu dambeeyay kooxda dhaawac dhanka muruqa ah ayuu kaga maqnaa, sidoo kale Navas oo dhaawac ku seegay kulankii Sociedad ayey suuragal tahay inuu kusoo bilowdo.

Odriozola ayaa wali dhaawacan, Vallejo ayaa casaan ku seegi doona kulanka, halka Casemiro isna uu ku seegi doono kulanka jaalayaal u aruuray.

Varane ayaa soo laaban kara, Vinicous, Modric iyo Valverde ayaa laga yaabaa iney kusoo bilowdaan, sidoo kale waxaa layaab noqon doonta hadii Gareth Bale uu kursiga kusoo bilowdo iyadoo la filayo inuu macsalaameeyo jamaahiirta Santiago.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid:

Navas; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Modric, Valverde, Kroos; Vinicius, Benzema, Brahim

Real Betis:

Robles; Guerrero, Bartra, Feddal, Firpo; Kaptoum, Guardado; Jese, Lo Celso, Tello; Moron

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Los Blancos ayaa guul 2-1 ah gaartay markii ay labada kooxood Seville ku kulmeen horaantii fasalkaan.

Betis ayaa guul gaartay markii ugu dambeysay labada kooxood ku kulmaan Bernabeu kulamada La Liga, Sanabria ayaana dhaliyay daqiiqadii 4-aad waqtigii dheeriga ahaa.

Guushii fasalkii hore waxey Betis siisay guushii ugu horreysay oo ay Madrid ka helaan 2012, Los Blancos ayaana kulamadii ugu dambeeyay labada kooxood guulo waaweyn gaareysay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close