Xilliga ay kooxda Barcelona ku dhawaaqayso saxiixa Antoine Griezmann oo daaha laga rogay… (Waa goorma?)

(Barcelona) 18 Maajo 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay salka u dhigi doonto saxiixa weeraryahanka Atletico Madrid ee Antoine Griezmann oo ay ku dhawaaqi doonto saxiixiisa ka hor bilowga todobaadka soo socda.

Griezmann ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tagayo kooxda Atletico xagaagan, isagoo soo gabagabanaya shan sanadood oo qurux badan oo uu ku  qaatay kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Madrid.

Barca ayaa tix-gelinaysa inay soo qaadato xiddigan xulka qaranka Faransiiska, kaasoo heshiiskiisa lagu burburin karo 173 milyan oo gini oo hoos ugu dhici kara 104 milyan oo gini bilowga bisha July.

Tiro ka mid ah kooxaha waa weyn ee qaaradda Yurub ayaa la la xiriirinayaan Griezmann oo aad u xiiseynaya saxiixiisa, laakiin waxa ay u muuqataa in kooxda haysata horyaalka Spain ay ku guuleysatay saxiixiisa oo ay salka u dhigi doonto kuna dhawaaqi doonto ina la wareegtay weeraryahankan muddo aan dheereyn.

Jariiradda Marca ee ka soo baxda dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday in qareenka Griezmann ee Sevan Karian uu imaan doono Spain horraanta todobaadka soo socda, isagoo la kulmi doona saraakiisha Barca si loo xaqiijiyo heshiiska uu xiddigan ugu biirayo kooxda ka dhisan garoonka Camp Nou.

Griezmann ayaa Atletico Madrid u dhaliyey 21 gool tartammada oo dhan intii lagu guda jiray xilli ciyaareedka 2018-19, waxaana ku jira 15 gool oo uu ka dhaliyey horyaalka La Ligaha Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close