Paul Pogba oo gaaray dhulka Barakeysan ee Maka iyo Madiina si uu u soo guto waajibaadka Cumrada… + MUUQAAL

(Maka) 16 Maajo 2019. Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Manchester United iyo xulka Qaranka Faransiiska ee Paul Pogba ayaa isagoo ka faa’iideysanaya fadliga bishan barakeysan ee Ramadaan iyo dhammaadka Horyaalka Ingiriiska oo Axaddii ay ku guuleysatay kooxda Manchester City waxa uu gaaray dhulka barakeysan ee Maka iyo Madiina.

Pogba ayaa booqday Masaajidka Nebiga (المسجد النبوى ) ee magaallada Madina, waxaana la arkayay muuqaal gaaban oo la soo dhigay baraha bulshada Pogba oo la afuraya walaalihiisa muslimiinta ah, isla markaana xiran Qamiis caddaan ah.

Paul Pogba oo dhowr jeer oo horena la arkayay isagoo salaadaha ku tukanaya masaajidda magaallada Manchester ayaa waxa uu ka faa’iideysanayaa fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo sidoo kalena u sii gudbi doona Kacbada si uu u dhameystirto waajibaadka cumrada ee Dawaafka.

Dhinaca kale xiddiga kooxda Chelsea ee haatan amaahda ugu jooga naadiga Everton ee Kurt Zouma ayaa Paul Pogba ku wehliyey safarka uu ku gaartay dhulka barakeysan ee Maka iyo Madiina.

Ciyaartooy caan ah oo kubadda cagta ciyaara ayaa horey u soo gutay Cumrada, waxaana ka mid ahaa Riyad Mahrez (Manchester City), Mesut Ozil (Arsenal), Sami Khedira (Juventus), Karim Benzema (Real Madrid), Franck Ribery (Bayern Munich), Arda Turan (Barcelona), Nuri Sahin (Werder Bremen), Edin Dzeko (Bosnia/ Roma), Yaya Toure (waxa uu ka fariistay ciyaaraha), Demba Ba (Başakşehir)  iyo  kuwo kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close