Harry Kane oo ku jira & Loftus-Cheek oo ka maqan 27-ka xiddig ee xulka England u meteli doona Nations League oo lagu dhawaaqay

(England) 16 Maajo 2019. Weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa ah mid ka mid ah sagaal ciyaryahan oo dheeli doona final-ka Champions League oo lagu daray 27-ka ciyaaryahan ee xulka qaranka England u meteli doona Nations League inkastoo Kane aan la hubin taam ahaanshihiisa.

Kabtanka xulka qaranka England ee Kane ayaan ciyaarin tan iyo markii uu canowga bidix ka dhaawacmay lugtii hore ee siddeed dhammaadka Champions League oo ay kooxdiisa Spurs guusha ka gaartay Manchester City 9 bishii April.

Loftus-Cheek iyo laacibka ay ka wada tirsan yihiin kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi ayaa ka maqan shaxda horudhaca ah ee xulka qaranka England kaddib dhaawacyo ay la maqan yihiin.

England ayaa la ciyaaraya Semi-finalka Nations League xulka qaranka Netherlands 6 bisha June, waxaana ay kula dheeli doonaan dalka Portugal, shan maalmood kaddib kulankaas waxaa final-ka Champions League wada ciyaari doona kooxda Liverpool iyo Tottenham.

Macallinka xulka qaranka England ee Southgate ayaa ku dhawaaqi doona 23-ka ciyaaryahan ee kama dambeysta ah oo uu kala qeyb geli doono tartankan 27 bishan May.

Xiddigii ay xulka saddexda libaax garaacaan Netherlands, waxa ay wajihi doonaan ama la ciyaari doonaan midkood Portugal ama Switzerland kulanka final-ka ah eek a dhici doona Magaalada Porto 9 bisha June ee soo aaddan.

Shaxda horudhaca ah ama 27-ka ciyaaryahan ee maanta lagu dhawaaqay xulka qaranka England kuwaasoo laga soo reebi doono kaliya 23 xiddig halkaan hoose ka eeg:-

Goolhayeyaasha: Jack Butland (Stoke), Tom Heaton (Burnley), Jordan Pickford (Everton).

Difaacyada: Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Ben Chilwell (Leicester City), Joe Gomez (Liverpool), Michael Keane (Everton), Harry Maguire (Leicester), Danny Rose (Tottenham Hotspur), John Stones (Manchester City), Kieran Trippier (Tottenham), Kyle Walker (Manchester City).

Khadka dhexe: Dele Alli (Tottenham ), Ross Barkley (Chelsea), Fabian Delph (Manchester City), Eric Dier (Tottenham), Jordan Henderson (Liverpool), Jesse Lingard (Manchester United), Nathan Redmond (Southampton), Declan Rice (West Ham), James Ward-Prowse (Southampton), Harry Winks (Tottenham)

Weerarka: Harry Kane (Tottenham), Marcus Rashford (Manchester United), Jadon Sancho (Borussia Dortmund), Raheem Sterling (Manchester City), Callum Wilson (Bournemouth)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close