Ed Woodward oo ugu dambeyntii ka baxay aamusnaanta, fariina u diray taageerayaasha kooxda Man United

(England) 16 Maajo 2019. Madaxa fulinta kooxda Manchester United ee Ed Woodward ayaa ka hadlay arimo ku saabsan xili ciyaareedkii niyadjabka ahaa ay ka sameysay Red Devils dhamaan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Red Devils ayaa ku dhameysatay kaalinta lixaad dhanka kala sareynta horyaalka Premier League, iyagoo ku guuldareystay inay u soo baxaan tartanka UEFA Champions League ee xili ciyaareedka soo socda.

Ed Woodward ayaa qiray in kooxda Manchester United ay xili ciyaareedkan si aad ah ugu dhibtootay dhanka natiijooyinka, balse wuxuu laabta ugu qaboojiyay taageerayaasha garoonka Old Trafford, inay diyaar u yihiin maamulka kooxda in sida ugu fiican ay u maareyn doonaan xilli ciyaareedka xiga ee 2019-2020.

“Kaddib xilli ciyaareed niyadjab ah, qof kasta ee Manchester United ah ayaa diirada saaraya sidii loo dhisi lahaa guusha ay kooxdan ku rajo weyn tahay, isla markaana taageerayaasha ay u qalmaan”.

“Diyaargarowga xilli ciyaareedka cusub ayaa socda, awoodeena aasaasiga ah ayaa noo ogolaan doonta inaan qabano shaqadeena, si aan u taageerno tababaraha iyo kooxdaba, waxaan eegeynaa mustaqbalka, si aan kaga gudubno wixii dhacay xili ciyaareedkan”

Si kastaba ha ahaatee, sida ay shaaca ka qaadeen wararka ka imaanaya gudaha dalka England ayaa waxay shaaca ka qaadeen in tababare Ole Gunnar Solskjær uu heli doono dhaqaale badan ee loogu tala galay suuqa kala iibsiga ee xagaaga, si uu u sameeyo saxiixyada ciyaartooy ku haboon kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close