Arsenal oo dal ku gal (visa) u raadinaysa ciyaaryahan horey loogu diiday visaha dalka lagu qabanyo Final-ka Europa League

(London) 16 Maajo 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ee waddanka Ingiriiska oo kooxda Chelsea 29 bishan May ciyaarta kama dambeysta ah ee Europa League kula dheeli doonta garoonka Olympic Stadium ee magaallada Baku ee waddanka Azerbaijan ayaa waxaa heysta culeys dhanka dal ku galka (visa) oo laacib ka mid ah ciyaartoydeeda loogu ogolaan karo inuu qayb kaga noqdo safarkaasi.

Laacibka Arsenal ahna Kabtanka xulka Armenia ee Henrikh Mkhitaryan ayaa horraantii xilli ciyaareedkan kulan ay Arsenal kula soo ciyaartay Baku kooxda Qarabag waxaa xiddigan loo diiday in la siiyo visa-ha Azerbaijan, maadaama dalkaasi iyo dalka uu ka dhashay Mkhitaryan ee Armenia ay dhex martay colaad heshiis laga gaaray 1994-kii, taasoo ku aaddan gobolka Nagorno Karabakh.

Arsenal waxay haatan xiriirka UEFA kala hadlaysaa sidii ciyaartoygeedan 30-sano jirka ah uusan uga baaqan lahayn safarkaasi muhiimka ah, isla markaana uu qayb uga noqdo safka uu ku xisaabtamayo tababaraha Gunners ee Unai Emery.

Mkhitaryan ayaa haysta jinsiyadaha Ingiriiska iyo Armenia, waxaana Visa-ha loo diiddan yahay ee Azerbaijan uu sidoo kale saamaynayaa taageerayaal fara badan oo Arsenal u raaci lahaa tartankaasi, kuwaasoo haysta dhalashada dalalka Ingiriiska iyo Armenia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close