PSG oo qorsheeneysa inay qaado talaabo ay ku soo gabagabeeneyso rajada Real Madrid ay ka qabto adeega Mbappé

(France) 15 Maajo 2019. Paris Saint-Germain ayaa go’aansatay inay qaado talaabo ay ku dooneyso inay kaga ilaashato ciyaaryahankeeda Kylian Mbappé Kooxaha doonaya adeegiisa oo ay ka mid tahay Real Madrid.

Wararka la xiriiray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa waxaa dhawaanahan shaaca looga qaaday in kooxda Paris Saint-Germain ay sameyn doonto saxiixa Antoine Griezmann, kahor inta aysan PSG kalsooni weyn ka muujinin inay heshiis cusub ka saxiixaneyso Mbappé.

Raadiyaha caalamiga ah ee dalka Faransiiska ayaa sheegay in Kooxda Paris Saint-Germain ay bilaawday howlgalka ay ku dooneyso inay kaga saxiixato Kylian Mbappé qandaraas cusub maalmaha soo socda, iyagoo isku dayaya inay soo afjaraan riyada ay kooxda Real Madrid ku dooneyso inay kula wareegto adeegiisa.

Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, hadii ay dhacdo in Antoine Griezmann uu ku biiro kooxda Paris Saint-Germain waxay ka caawin kartaa Mbappé inuu sameeyo bandhig ka fiican kan haatan uu sameenayo, gaar ahaan kaddib markii ay labadan ciyaaryahan si guul ah dhanka weerarka uga soo wada ciyaareen Koobkii Adduunka 2018.

Sida laga soo xigtay dhankooda wargeysyada dalka Spain, heshiiska la filayo inuu Griezmann ugu dhaqaaqo kooxda Paris Saint-Germain xagaagan ayaa la micno ah inuu ka tagayo Edison Cavani, kaasoo doonaya adeegiisa macalinka kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close