Antoine Griezmann oo markale albaabka u furay kooxda Barcelona                             

(Spain) 15 Maajo 2019. Xiddiga reer France ee Antoine Griezmann ayaa kubadda ugu dhex tuuray garoonka kooxda Barcelona kahor inta uusan furmin suuqa xagaaga ee soo socda, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha dalka Spain.

Antoine Griezmann ayaa shaaca kaga qaaday fiidiyoow uu soo dhigay bogga rasmiga ah ee Twitter-ka kooxda Atletico Madrid inuu ka tagayo kooxda reer Spain xagaaga soo aadan.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa sheegay in heshiiska uu ugu biiri doono Griezmann Barcelona wixii xiligan ka dambeeya ay tahay mid ku xiran kaliya kooxda reer Catalonia, kaddib khilaafkii dhex maray labada dhinac xilli ciyaareedkii hore.

Barca ayaa dooneysay inay la saxiixato Antoine Griezmann xagaagii lasoo dhaafay, laakiin ciyaaryahanka reer France ayaa waqtiyadii ugu dambeeyay ee heshiiska wuxuu iska diiday inuu dhameystiro, isagoo go’aansaday inuu sii joogo kooxdiisa Atletico Madrid.

Yeelkadeeda, kooxda Barcelona ilaa iyo haatan ma aysan qaadin talaabo rasmi ah ay ku soo xero galineyso Antoine Griezmann, lakiin ciyaaryahanka ayaa weli ah bar-tilmaameedka ugu weyn ee kooxda reer Catalonia si uu kaga caawiyo dhanka weerarka.

Balse wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in dhibaatada ugu weyn ee Barcelona kahor taagan dhameystirka heshiiskan inay tahay dhaqaalaha kooxda, kaasoo aan u ogolaan doonin in si toos ah ay u soo iibsadaan laacibka reer France, iyadoo aan la iibinin mid ka mid ah xidigaha kooxda inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close