Patrice Evra oo sheegay in suuqan kala iibsiga uu Paul Pogba ka tagayo kooxda Manchester United

(Manchester) 14 Maajo 2019. Daaficii hore ee xulka qaranka Faransiiska iyo kooxda Manchester United ee Patrice Evra oo maanta wareysi siinayay Shabakadda ‘Sky Sports’ ayaa waxa uu wax ka yiri mustaqbalka xiddiga ay isku waddanka yihiin ee khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Paul Pogba.

“Waa dhaliye heer sare ah, sidoo kale kubadda ayuu dhiibaa, taasina waa mid aan wada ogsoonnahay , laakiin mararka qaar waxaa jira in xoogaa shaki laga keeno in uu hoggaamiye noqon karo, kulammadii ugu dambeeyay xoogaa si fiican uma muuqan, waxaana laga yaabaa inay taasi tahay sababta loo dhaleeceeynayo, laakiin wuxuu ahaa xiddiggii ugu fiicnaa xilli ciyaareedka.” sidaa waxaa yiri Patrice Evra.

“Waxaa kaloo sababaha loo dhaleeceeyo ka mid ah, sida uu timaha u jarto iyo inuu muuqaallo isagoo heesaya oo qoob ka ciyaaraya uu soo dhigo Instagram-ka, markaas waxay hilmaansan yihiin tayadiisa ciyaartooynimo, waxaana aaminsanahay in uu ka tagayo Manchester United, waayo wuxuu doonayaa inuu dareemo jaceylka taageerayaasha.” ayuu sii raaciyay Evra oo xusay in suuqan kala iibsiga ciyaartoyda uu rumeysan yahay in Pogba uu ka tagi doono kooxda Manhester United.

Pogba ayaa la la xiriirinayaa inuu midkood ku biiri doono kooxaha Real Madrid ama Juventus oo ka kala dhisan Waddamada Spain iyo Talyaaniga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close