Muxuu ka yiri Del Piero suurtagalnimada uu Antonio Conte ku noqon karo tababaraha Inter Milan??

(Yurub) 14 Maajo 2019. Halyeeygii hore kooxda Juventus ee Alessandro Del Piero ayaa ku tilmaamay aarin cajiib ah hadii ay dhacdo in Antonio Conte loo magacaabo tababaraha Inter Milan.

Hadalka Alessandro Del Piero ayaa wuxuu imaanayaa kaddib wareysi uu ku bixiyay shabakada “CalcioMercato” ee dalka Talyaaniga wuxuuna yiri:

“Antonio Conte oo macalin u ah Inter Milan, waa arin cajiib ah aragti ahaan kubadda cagta, balse waxa aan ka hadleeno ayaa ah macalin xirfadle ah iyo koox awood badan leh”.

“Joogi taanka Giuseppe Marotta ee kooxda Inter Milan, lama yaabi doono hadii uu Conte macalin u noqdo Nerazzurri, waa jawi wanaagsan, sababtoo ah qorsho ciyaareedka Conte waxay caawin kartaa Inter”.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in Antonio Conte uu horey u soo leeliyay kooxda Juventus, wuxuu sidoo kale qabtay xulka qaranka Italy, kaddib wuxuu tagay dalka England si uu u tababaro Chelsea, isagoo kula guuleystay Blues horyaalka Premier League iyo FA Cup.

Hadaba Conte ayaa lala xiriiriyay dhowr kooxood, balse dhawaanahan waxaa si xoogan loo hadal haayay inuu ku dhowyahay leylinta kooxda Inter Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close