Kooxda PSG oo comment ka bixisay sawir uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay James Rodriguez!!

(Paris) 14 Maajo 2019. Weeraryahanka kooxda kubadda Bayern Munich iyo xulka Colombia ee James Rodriguez ayaa ka soo laabtay dhaawac ka soo gaaray canqawga, waxaana uu sawir soo dhigay boggiisa Facebook, hase yeeshee sawirkaasi waxaa comment ama faallo ka bixisay kooxda Paris Saint-Germain ee Waddanka Faransiiska.

Bogga rasmiga ah ee PSG ay ku leedahay Facebook ayaa farriin yar oo laba gacmood oo sacbinaya u reebay Rodriguez, taasoo muujinaysa in PSG ay damacsan tahay inay la soo wareegto xidiggan oo comment-ga ay ka bixisay sawirkiisa ay tahay gacan haatis sida ay warbaahinta Isboortigu sheegeyso.

James oo 27-sano jir ah ayaa tan iyo 2017 waxa uu amaah ugu ciyaarayaa Bayern Munich, inkastoo xilli ciyaareedkan laba dhaawac oo jilibka iyo canqawga ay soo gaareen, hase yeeshee Jarriiradda Marca ee ka soo baxda dalka Spain ayaa qortay in PSG ay iibsan karto Rodriguez, maadaama laacibkani uusan jadwalka ugu jirin tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close