Kooxda Arsenal oo mushaarka u kordinaysa Matteo Guendouzi… (Imise lacag ah ayuu qaadan doonaa Isbuucii?)

(London) 14 Maajo 2019. Waxaa la soo warinayaa in mushaarka loo kordhin doono ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Arsenal,  Matteo Guendouzi.

Wargeyska The Sun ayaa warinaya in kooxda kubadda cagta Arsenal ay qarka u saaran tahay inay laban-laabto mushaarka uu iminka ka qaato ciyaaryahan Matteo Guendouzi marka ay heshiis kordhin cusub u soo bandhigaan.

Laacibkan khadka dhexe ee Guendouzi ayaa mushaarkiisa la kordhin doonaa waxaana uu jeebka ku shuban doonaa adduun dhan 75,000 oo gini todobaadkii.

Matteo Guendouzi ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyey kooxda ku ciyaarta garoonka Emirates ee Arsenal sanadkiisii ugu horreeyey ee kooxda reer England.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close