Daniele De Rossi oo 18 sanadood kaddib ka tagaya kooxda Roma

(Rome) 14 Maajo 2019. Daniele De Rossi ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo dhammaadka xilli ciyareedkan kooxdiisa Roma kaddib 18 sanadood oo uu ku sugnaa.

35-sano jirkaan khadka dhexe ayaa kooxda Giallorossi u saftay kulankiisii ugu horreeyey bishii October sanadkii 2001, markaasoo uu kooxda hoggaaminayey Tababare Fabio Capello.

Kabtan Daniele De Rossi ayaa mar uu ka hadlayey kooxda Roma, waxa uu yiri: “Roma iyo aniga midba midka kale ayuu doortay, waxaa dhexdeenna ah jaceyl badan, haatan iyo weliba mustaqbalka xitaa haddii aan koox kale ku biiro.”

Waxa uu De Rossi kooxda Roma u saftay 615 kulan waxaa uu u dhaliyey 63 gool, isagoo haatan go’aansaday inuu ka tago garoonka Stadio Olimpico dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Kulankiisa ugu dambeeya ee kooxda Roma De Rossi waxa uu ciyaari doonaa ciyaarta ay 25-ka bishan May ka horjeedaan naadiga Parma.

Waxaana xusid mudan inuusan ka fariisan doonin kubadda cagta, haddii uu koox kale ku biirana ma noqon doono ciyaaryahan hal koox kaliya ciyaarihiisa ku bilaabay kuna dhammaystay sida kabtankii hore ee kooxdan, Totti.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close