“Waxaan gaaray go’aankeygii ugu dambeeyay” – Eden Hazard

(London) 13 Maajo 2019. Xidiga reer Belgian ee Eden Hazard ayaa xaqiijiyay inuu go’aan kama dambeys ah ka gaaray mustaqbalkiisa kooxda Chelsea.

Eden Hazard ayaa dhinaca kale si cad u sheegay inuusan awood u lahayn in xiligan si rasmi ah uu ugu dhawaaqo talaabada xigta uu qaadi doono.

Hazard ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Real Madrid, isagoo in ka badan hal jeer muujiyay sida uu u xiiseenayo ku biirista Los Blancos.

Laacibka reer Belgian ayaa wuxuu u xaqiijiyay wargeysyada kasoo baxa gudaha dalka England Axadii shalay, ee ahayd maalintii ugu dambeeysay horyaalka Premier League, inuu ku biirayo kooxda Real Madrid, islamarkaana heshiiskiisa lagu dhawaaqi doono.

Eden Hazard ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay:

“Waxaan gaaray go’aan kama dambeys ah, waxaan go’aankan meel mariyay ku dhawaad mudo labo Isbuuc kahor, laakiin arinta ma ahan mid anig oo kaliya igu xiran”.

“Ma waxaan jeclaan lahaa in go’aankeygan la sii sheego horaantii xilli ciyaareedka? Haa, waan doonayay, laakiin taasi ma dhicin”.

“Wali waxaan sugayaa – in si rasmiga loogu dhawaaqo halka aan ku sii jeedo, sida warbaahinta iyo taageerayaasha”.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa sidoo kale horey u muujiyay inuu ka tagayo Eden Hazard xagaagan garoonka Stamford Bridge.

“Hazard wuxuu Chelsea ku soo qaatay toddobo xilli ciyaareed, waxaana uu isku dayay inuu si fiican u ciyaaro kulan kasta, haatan waa waqtigii lagu ixtiraami lahaa go’aankiisa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close