“Waan hubaa in Man United ay mar uun ku soo laaban doonto maalmihii Sir Alex Ferguson” – Sanchez

(England) 13 Maajo 2019. Alexis Sanchez ayaa ka raali galiyay taageerayaasha kooxda Manchester United xili ciyaareedkii niyadjabka ahaa ay soo qaateen, isaga iyo kooxdaba.

Manchester United ayaa xilli ciyaareedkan ku dhameysatay guul darro 2-0 ah oo ay kasoo gaartay kooxda Cardiff, iyagoo kaalinta lixaad kaga dhameystay dhanka kala sareynta horyaalka Premier League.

Hadaba sida laga soo xigtay “Daily Mail” ee dalka England, Alexis Sanchez ayaa wuxuu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka, fariin uu ku raali galinayo taageerayaasha kooxda Manchester United wuxuuna yiri:

“Wuuu ahaa xili ciyaareed aad u adag, taageerayaasha waa kuwo u qalma in raali galin loo diro, sababtoo ah waxay had iyo jeer nagu garab taagnaayeen wax walba ee dhaca”.

“Shakhsi ahaan, ma sameynin sida aan filayay, sababa la xiriira dhaawacyo lama filaan ah ee aan la kulmay, saxaafada iyo dadku waxay ku falanqeeyeen arintan waxyaabo aan run ahayn, mar walba waxaan xirfadle ka ahaa dhinac walba”.

“Waxaan ka raali galinayaa taageerayaasha, inaan gaari weynay bar-tilmaameedyadeena, laakiin waxaan nahay Manchester United, ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababaraha waxay is weydiinayaan hadii aan qaban karno shaqo sax ah oo aan sameyn karno wax walba ee awoodeenu gaarsiisan tahay, lakiin waan hubaa in kooxdu ay maalin uun ku soo laaban doonto maalmihii Sir Alex Ferguson”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close