Maxay ka dhigan tahay in Salah, Mane iyo Aubameyang ay ku wada guuleystaan abaal-marinta kabta dahabka ah ee gooldhalinta Premier League?

(England) 13 Maajo 2019. Waxaa shalay si rasmi ah loo soo gabagabeeyey xilli ciyaareedkan 2018-19 ee horyaalka Premier League, waxaana xilli ciyaareedkeedii labaad oo xiriir ah ku guuleysatay kooxda Manchester City.

Abaal-marinta kabta dahabka ah ee gooldhalinta Premier League xilli ciyaareedkan 2018-19 ayaa waxaa wadaagay saddexda weeraryahan ee ka soo jeeda qaaradda Afrika oo kala ah; Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Pierre-Emerick kaddib markii ay wada dhaliyeen min 22 gool..

Haddaba maxay ka dhigan tahay in saddexdaan ciyaaryahan ee Salah, Mane iyo Aubameyang ay wadaagaan kabta dahabka ah ee gooldhalinta Premier League?

>- Waa markii ugu horreysay oo saddex ciyaaryahan ay wadaagaan abaal-marinta kabta dahabka ah ee gooldhalinta horyaalka Premier League tan iyo xilli ciyaareedkii 1998/99 oo ay ku wada guuleysteen saddexda laacib ee kala ah; Jimmy Floyd Hasselbaink, Michael Owen iyo Dwight Yorke.

>- Waa markii ugu horreysay oo ay abaal-marintan kabta dahabka ee gooldhalinta Premier League wadaagaan saddex ciyaaryahan oo ka soo jeeda qaaradda Afrika waxaana ay kala yihiin; Mohamed Salah, Sadio Mané iyo Pierre-Emerick Aubameyang.

>- Mane iyo Aubameyang ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay abaal-marintan kabta dahabka ah ee goodhalinta horyaalka Premier League, halka Mohamed Salah uu si xiriir ah ugu u hantay abaal-marinta labo xilli ciyaareed oo isku xiga, kaddib markii uu 32 gool ku qaaday xilli ciyaareedkii hore ee 2017-18.

>- Lix ciyaaryahan ayaa xilli ciyaareedyo isku xiga ku guuleystay abaal-marinta kabta dahabka ah ee gooldhalinta Premier League waxaana ay kala yihiin; Alan Shearer, Michael Owen, Thierry Henry, Robin van Persie, Harry Kane iyo Mohamed Salah.

>- Kaliya saddex ciyaaryahan oo afrikaan ah ayaa labo xilli ciyaareed oo isku xiga ku guuleystay kabta dahabka ah ee gooldhalinta shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub, waxaana ay kala yihiin; Tony Yeboah (Frankfurt, 1992-94), Samuel Eto’o (Barcelona, 2004-06) iyo Mohamed Salah (Liverpool, 2017-19).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close