Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay Liiska xidigaha Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka caawa ee Real Sociedad

(Spain) 12 Maajo 2019.Tababaraha reer France ee Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha kooxda Real Madrid ee kaga qeyb galaya kulanka horyaalka La Liga ay caawa Real Sociedad ku booqan doonaan Anoeta Stadium.

Liiska rasmiga ah uu ku dhawaaqay tababare Zidane ayaa waxaa markii labaad ee xiriir ah laga dhex waayay xidiga reer Weles ee Gareth Bale, kaddib markii uu seegay kulankii lasoo dhaafay ee Villarreal, taasoo muujineysa inay xaqiiqo noqon karto wararka ku saabsan in kooxda laga fasixi doono marka uu furmo suuqa xagaaga ee soo socda.

Sergio Ramos, Keylor Navas, Raphael Varane iyo Sergio Reguilón ayaa sidoo kale seegi doona kulanka caawa ee Real Sociedad.

Hadaba liiskan uu ku dhawaaqay Zinedine Zidane ee ka qeyb galaya kulanka xiisaha badan ay caawa kula ciyaari doonaan kooda Real Sociedad horyaalka La Liga ayaa kala ah:

Goolhaayeyaasha: Thibaut Courtois, Luca Zidane, alotaibi.

Daafacyada: Carvajal, Vallejo, Nacho iyo Marcelo.

Khadka dhexe: Casemiro, Modrić, Toni Kroos, Valverde, Brahim Díaz, Isco, Marcos Llorente iyo Asensio.

Weerarka: Lucas Vázquez, Benzema, Mariano Díaz iyo Vinícius Júnior.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close