Kooxda Man city oo ku guuleysatay horyaalka Premier league iyo natiijooyinka kulamada kale ee la ciyaaray+Sawiro

Kooxda Man City ayaa ku guuleystay horyaalka Premier league xili ciyaareedkii labaad oo xiriir ah kaddib guul muhiim aheyd oo ay ka gaareen Kooxda Brighton.

Kulan ciyaareedka labadan koox ayaa ku soo idlaaday 4-1 oo ay ku badisay Kooxda Man City waxaana goolasha u kala dhaliyey Aguero ,Laporte, Mahrez iyo Gundogan.

Liverpool ayaa ku dhameysatay booska labaad ee kala sareenta horyaalka Premier league iyaga oo iska qasaariyey fursado dhowr ah madaama hogaanka horyaalka ay mar ku qabteen 7 dhibcood.

Liverpool ayaa kulankeeda ugu dambeya ee horyaalka la qaadatay kooxda Wolves iyaga oona kaga adkaaday 2-0 waxaana labada goolba u dhaliyey Mane.

10-sano kaddib Man City ayaa noqotay Kooxdaii ugu horeysay ee labo sano oo xiriir ah ku guuleysata horyaalka Premier league tan iyo Manchester United.

Hadii aynu fiirino natiijo ciyaareedka kulamada kale ee kooxah waaweyn  iyo heerarka ay ku dhameesteen sanad ciyaareedkan.

Kooxda Manchester United oo boos ka weysay kaalmaha afarta sare ayaa guul daro aysan fileen kala kulantay Kooxda Cardiff oo kol hore u dhacday heerka hoose, Cardiff ayaa United ku xasuuqday 2-0.

Dhinaca kale kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Leicester iyo Chelsea ayaa ku soo idlaaday bar-baro gool la’aan wallow Kooxda Bules ay horey u xaqiijisatay booskeeda tartanka Champions League.

Arsenal ayaa guul 3-1 ah ka gaarta dhigeeda Kooxda Burnley xili laacibkooda Aubameyang uu dhaliyey labo goo oo ka mid ah goolasha.

      

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close