Kooxda Juventus oo soo bandhigtay maaliyadda ay xiran doonto marka ay gurigeeda ku ciyaarayso fasal ciyaareedka cusub ee 2019/20… (MUUQAAL + SAWIRRO)

(Turin) 12 Maajo 2019. Kooxda kubadda cagta Juventus ee ka dheesha horyaalka Serie A ayaa soo bandhigtay maaliyadda ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub.

Bianconeri waxa ay shaacisay maaliyadda ay ku ciyaari doonto marka ay mininkeeda joogto xilli ciyaareedka cusub ee 2019/20.

Maaliyaddan ayaa dhinac madow ka ah dhinacna caddaan, halka labada gacmood ay midi madow tahay tan kalena ay caddaan tahay, waxaana wajiga hore ka muuqanaya diillin dheer oo casaan ah.

Labiskan cusub oo ay kooxda Juve ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub waxaa farsameysay shirkadda qalabka isboortiga ee Adidas.

Soo bandhigtista maaliyaddan cusub waxaa ka qeyb qaatay Cristiano Ronaldo iyo Dybala, iyadoo xiddiga reer Argentina mugdi la galiyey mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan Turin.

MUUQAAL:

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close