HORDHAC : Man City VS Brighton? Man City oo heysta fursad oo ay ku hanan karto markoodii labaad oi xiriir ah horyaalka Premier league

( England) 12 Maajo 2019 Man City ayaa dhigeeda Kooxda Brighton la qaadaneysa kulan ansixin doona kooxdii hanan laheyd horyaalka Premier league xili ciyaareedkan, balse guul ay gaarto Man City waxa ay u sahleysaa in mar labaad oo xiriir ah ay qadaan koobkan.

Wararka labada dhinac ka hor kulanka :

Kevin de Bruyne oo ka soo laabtay dhaawac cajarka ah ayaa laga yaabaa inuu ku biiro safka go’amin doona in  kooxdiisa mar labaad oo xiriir ah ay ku guuleysteen horyaalka Premier league.

Fernandinho ayaa weli dhaawac ka qaba  jilibka waxaa sidookale shaki laga gilinayaa kulanka finalka FA Cup, halka Benjamin Mendy iyo Claudio Bravo ay weli dhaawacan yihiin.

Kooxda Brighton  keliya  waxaa ka maqan Davy Propper iyo Jose Izquierdo, kuwaas oo ku maqan dhaawacyo muruqa ah.

Captain Bruno ayaa lagu wadaa inuu ciyaaro kulankiisii ugu dambeeyey ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisanin

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Man City VS Brighton? (Premier League)

Goobta : Etihad Stadium

Goorta : 5 :00 oo Galabnimo

Garsoorka :Michael Oliver

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta ka hor kulanka :

Manchester City ayaa badisay afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay kooxda Brighton tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan labo guul oo xilli ciyaareedkan ah.

Kooxda lagu naaneeso Seagulls ayaa laga badiyay seddexdii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay la ciyaartay City iyagoo  laba gool laga dhalinayey midkiiba.

Kooxda Man City ayaa noqon karta  kooxdii koowaad oo si xiriir u hanta horyaalka Premier league kaddib Manchester United oo sidaas sameesay muddo 10-sano ka hor.

Brighton ayaa guul la’an ah 8-kulan oo horyaalka ah ( 3 bar-baro iyo 5 qasaaro) halka hal kulan oo kaliya lga badiyey afartii kulan ee ka horeeyey kulamadaas waxaana laga dhaliyay 3 gool oo qura.

Guul ay gaarto Man City ayaa kaga dhignaan doonta  in ay ku guuleysteen koobkoodii afaraad ee horyaalka Premier League iyo isku dar midkoodii lixaad tan ka hor inta magacan loo badalin.

Kooxda Man City ayaa noqon karta kooxdii ugu horeysay ee ku dhameesata horyaalka 14 guul oo xiriir ah iyaga oona jibin doona rikoorkii Arsenal ee 13-ka  kulan ee sanadkii 2001-02.

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close