HORDHAC : Burnley VS Arsenal? Xogta kulanka oo dhameestrian

(England) 12 Maajo 2019 Kooxda Arsenal oo iska xaadirisay finalka tartanka Europa League ayaa markan booqaneysa garoonka Turf Moor si ay kulankooda ugu dambeeya ee horyaalka ay ula qaataan kooxda Burnley.

Wararka labada dhinac ka hor kulanka :

Weeraryahanka Burnley Peter Crouch oo qandaraaskiisu dhacayo xagaagan, ayaa rajeynaya inuu safto kulankiisii ugu horeysay tan iyo bishii March.

Phil Bardsley oo ka mid ah daafacyada buuxa ayaa ka soo kabsaday dhaawac waxa uuna rajeenaya in dib loogu yeero kulanka.

Dhinaca kale dambeedka midig ee Arsenal Ainsley Maitland-Niles ayaa diyaar u ah kulankan ka dib markii uu ganaax ku seegay kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka.

Geesta kale xidigaha kala ah Aaron Ramsey, Denis Suarez, Danny Welbeck, Hector Beller iyo Rob Holding ayaa dhamaantood dhaawacan

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Burnley VS Arsenal (Premier league)

Goobta : Turf Moor

Goorta : 5:00 oo Galabnimo

Garsoorka : Mike Dean

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta ka hor kulanka :

Burnley ayaa laga badiyay sagaal kulan oo isku xig xiga oo ay la ciyaareen Arsenal tartamada oo dhan, kaliya waxaa ka badan Wolves oo ay kala kulantay guul darooyinka ugu badan ee xiriirka ah waxaana ka soo gaartay qasaaro 11 kulan oo xiriir ah intii u dhaxeysay 1987 iyo 2002.

Gunners ayaa ku badineysay 1-0 seddexdii kulan ee ugu dambeeyey ee ay booqoto garoonka Turf Moor, waxaana xusid mudan in labadii kulan ee uhi dambeyey ay dhalinayey goolka guudha daqiiqadii 90-aad.

Burnley marna kama badin Gunners kulan ka tirsan horyaalka tan iyo ciyaar 1-0 ku dhamaatay oo ka dhacday garoonka Highbury sanadkii 1974.

Arsenal marna guul daro lama kulmin kulanka ugu dambeeya ee horyaalka 7 dii xili ciyaareed ee la soo dhaafay tan iyo guuldardii 2-1 oo ay kala kulantay kooxda Birmingham sanadkii 2005.

Gunners oo aan horey afar kulan oo xiriir ah guul u soo gaarin ayaa la kulmi karta markii ugu horeysay in ay guul gaari waayaan shan kulan oo xiriir ah  tan iyo intii u dhexeysay bishii January iyo February 2009.

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close