“Waan iska Ooyaa markasta aan dib u daawado kulankii aan ka adkaanay Ajax waayo….”.- Lucas Moura

(London) 11 Maajo 2019. Lucas Moura ayaa ka dhawaajiyay inuu iska ooyo markasta oo uu dib u daawado Saddexleydii uu ka dhaliyay Ajax si uu Finalka ugu soo saaro kooxdiisa Tottenham markii ugu horreysay taariikhda.
Spurs oo lugtii mininkeeda looga soo adkaaday 1-0 ayaa misane kulankii ka dhacay Holland 2-0 lagu marsiyay qeybta hore ee ciyaarta.
Balse wax kasta ayaa isbadelay markii uu wiilka reer Brazil kooxdiisa u dhaliyay Saddex gool oo uu waliba midka dambe dhaliyay seeriga oo afka lagu hayo.
26-jirka ayaa daaha ka rogay in qiiro darteed ay ilinta soo dhaafto markasta uu dib u daawado kulankii ay sida mucjisada ah ugu soo gudbeen kama dambeysta tartanka Champions League.
“Waxaan aaminsahaya inaan Riyooyanayo,” Moura ayaa hadalkiisa ku bilaabay mar uu u waramayay bogga rasmiga ah ee Tottenham.
“Dib ayaan kulanka u daawaday, Waa iska ooyaa markasta aan daawado muuqaalka maxaa yeelay waa dareen qiiro badan. Ciyaaryahan kasta wuxuu doonayay inuu helo waqtigan oo kale, inuu u noolaado waqtigan oo kale, aad ayaan u faraxsanahay waxaana u baahannahay inaan ku raaxeysano.
“Taasi waa sababta ay kubbada cagta u tahay mid aad u cajiib ah. Waan jeclahay kubbada cagta waa mid leh dareen qiiro badan, qofkasta wuu jecel yahay kubbada cagta. Waqtiyada sidan oo kale ah waxaan u baahanay inaan sii joogteyno nolosheena”.
Tottenham ayaa kulankeeda ugu dambeeya Premier League axada la ciyaari doonta Everton ka hor inta aysan 1-da Juun magaalada Madrid isku qaban Liverpool Final ka Champions League.
Gool FM.