SAWIRRO: Chelsea oo qabsatay xafladeeda Sanadlaha….(Hazard oo isku qaatay Labo abaal marin)

(London) 11 Maajo 2019. Chelsea ayaa qabsatay xafladeeda sanadlaha ah iyadoo uu Eden Hazard ku guuleystay labo abaal marin.

Xiddiga reer Belgium oo shaki wayn laga muujinayo mustaqbalkiisa kooxda ayaa kuwada guuleystay abaal marinta laacibka sanadka kooxda iyo waliba goolka sanadka.

Goolkii uu ka dhaliyay Liverpool oo sida baal dooska u dhex jeexay ayaa loo doortay goolka sanadka.

Callum Hudson-Odoi oo dhaawac kaga maqan kooxda ayaa isagoo biro ku kutubaya la guddoonsiiyay abaal marinta laacibka sanadka ee da’yarta.

Hazard oo shaki wayn laga muujinayo mustaqbalkiisa maadaama si wayn lala xiriirinayo Real Madrid ayaa ‘Aaway Qalinka?’ ku jawaabay mar la waydiiyay haddii uu heshiis cusub u saxiixayo kooxdiisa Chelsea.

Hazard ayaa kal ciyaareedkan dhaliyay 16-gool isagoona caawiyay 19-gool.

SAWIRRO:

 Eden Hazard has been a handful for defenders and had a similar problem himself tonight

 Crocked Callum Hudson-Odoi shows off his award

 Eden Hazard may have played his last season in a blue shirt

 Chelsea have not had the best season but still have a shot at silverware

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close