RASMI: Ander Herrera oo ka tagaya Man United… (Kooxduu ku biirayaa??)

(England) 11 Maajo 2019. Ander Herrera ayaa ka tagaya Manchester United marka uu dhammaado kal ciyaareedkan sida ay kooxdu ku xaqiijisay muuqaal ay soo dhigtay barteeda Twitterka.

Heshiiska uu laacibka qadka dhexe reer Spain ku joogo Old Trafford ayaa ka dhacaya xagaagan, Manchester United ayaana go’aansatay inaysan qandaraaska u kordhin.

Kaddib markii uu ka soo tagay Athletic Bilbao  2014-kii, wuxuu shan sano ku qaaday Masaraxa Riyada ee Man United isagoona kula guulaystay, FA Cup, League Cup iyo Eurpe League wuxuu sidoo kale ku guuleystay abaal marinta qiimaha ka leh kooxda Man United ee Laacibka sanadka Sir Matt Busby Player of the Year xilli ciyaareedkii 2016/17..

Yeelkeede, laacibka ayaa iminka lagu wadaa inuu beeca xorta ah ugu biiro camaaliqada Faransiiska ee PSG.

Muuqaal qiiro leh ay United soo dhigtay boggeeda Twitterka ayaa waxaa ka muuqanaya goos gooska Herrera e shantii sano uu joogay kooxda iyo hadal dareen badan uu ku hadlayo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close