Yaya Toure oo isaga fariistay kubbada cagta

(Europe) 10 Maajo 2019. Halyeyga Manchester City Yaya Toure ayaa isaga fariistay kubbada cagta sida uu xaqiijiyay wakiilkiisa Dimitri Seluk.

35-jirka sidoo kale u soo ciyaaray kooxaha Barcelona iyo Monaco ayaa lagu wadaa inuu u weecdo dhanka tababarka oo uu noqdo Macalin kubbada cagta ah.

“Markii ugu horreysay ayaan midan oranayaa: Yaya Toure wuxuu go’aansaday inuu soo afjaro waayihiisa ciyaareed isagoo horyaal ah “Champion'” Seluk ayaa sidaa u sheegay Sport24:

“Yaya  Toure waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican qaarada Afrika wuxuu qaatay mid ka mid ah waayahay ciyaareed ee ugu fiican taariikhda kubbada cagta Africa.

Related image

“Sidaa darteeed, wuxuu sidoo kale kubbada cagta uga tagay si qurux badan isagoo jooga meesha ugu sarreysa, waqti dheer ayaan ka wada hadalnay mowduucan.”.

Toure saddex sano ayuu ku soo qaatay Barcelona isagoona kula soo guuleystay horyaalka La Liga iyo waliba Champions League.

2010-kii ayuu u soo dhaqaaqay Manchester City oo uu kula guuleystay saddex jeer Premier League labo jeer League Cup iyo waliba FA Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close