Sergi Roberto oo fariin raali galin ah u diray taageerayaasha Barcelona, kaddib qaabkii niyadjabka ahaa ay kaga soo hareen Champions League

(Spain) 10 Maajo 2019. Sergi Roberto ayaa u diray fariin raali galin ah taageerayaasha kooxda Barcelona, kaddib qaabkii niyadjabka ahaa ay kaga soo hareen tartanka Champions League.

Laacibka reer Spain ayaa ku soo qoray boggiisa Instagram-ka fariin uu ku raali galinayo taageerayaasha kooxda reer Catalonia ee Barcelona.

“Waa maalmo aad inoogu adag anaga ahaan, waxaan doonayaa inaan ka raali galiyo taageerayaasha kooxda, inaan kaga soo harno wareega afar dhamaadka tartanka Champions League qaabkan”.

“Waxaan dooneynay inaan gaarno finalka Champions League in kabadan qof walba, waan hubaa inaan markale sare u kici doono, laakiin taasi ma sameyn karno ilaa iyo aad naga caawisaan”.

“Waad ku mahadsantihiin dhamaantiin garab istaagiina waqtiyadan adag, waxay na siin doontaa wax walba ee aan ku heli karno koobabka  inoo haray”.

Yeelkadeeda, Barcelona ayaa waxay isku dayi doontaa inay ku guuleysato koobka Copa del Rey, kaasoo kulanka finalka ay kula balansan tahay kooxda Valencia, si ay ugu dhameysato ku guuleysiga laba koob, xili ciyaareedkii labaad ee xiriir ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close