RASMI: Lucas Moura oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga isbuuca ee Champions League

(London) 10 Maajo 2019. Ciyaaryahanka kooxda kubadda cagta Tottenaham ee Lucas Moura ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga isbuuca ee Champions League.

Xiddiga reer Brazil ayaa abaal-marinta xiddiga ugu fiicanaa Champions League todobaadkan ku qaatay bandhiggii uu ka sameeyey kulankii ay ka horjeedeen Ajax oo uu kooxdiisa Spurs ugu soo saaray final-ka Koobka Horyaallada Yurub markii ugu horreysay taariikhdooda.

Moura ayaa abaal-marintan ku garaacay xiddigaha kala ah; Georginio Wijnaldum & Trent Alexander-Arnold oo kawa tirsan kooxda Liverpool iyo ciyaaryahanka ay isku kooxda yihiin ee Moussa Sissoko.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close