Manchester United oo kooxda waa-weyn u soo dallacsiinaysa lix ciyaaryahan oo da’yar ah

(Manchester) 10 Maajo 2019. Macallin kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa la soo warinayaa inuu kooxda koowaad u soo dallacsiinayo lix ciyaaryahan oo da’yar ah, isla markaana uu ku soo dari doono qaarkood shaxdiisa kulanka Axadda ee Premier League oo ay la leeyihiin naadiga Cardiff City.

Red Devils ayaa wajahaysa kooxdii uu Solskjaer hoggaamin jiray ee Cardiff kulankooda ugu dambeeya ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana ay horayba u xaqiijiyeen inay seegeen inay ku dhammaystaan afarta sare ee horyaalka Ingiriiska.

Sida ay warinayso Majaladda Manchester Evening News Macallinka reer Norway ayaa kulankan fursad siin doona xiddigaha da’da yar ee bandhigga wacan ka sameynaya garoonka Old Trafford, waxaana uu u soo dallacsiin doonaa kooxda koowaad.

Angel Gomes, Dylan Levitt, Arnau Puigmal, Mason Greenwood, James Garner iyo Tahith Chong ayaa dhammaantood tababar la qaatay isbuucaan kooxda waa weyn ee Man United, waxaana la caddeeyey in hadda ay qaarkood boos ka heli doonaan kulanka Man Utd ay ciyaarayso Axadda ee horyaalka Premier League.

Chong ayaa horay kooxda koowaad uga soo muuqday, waxaana uu ahaa bedel la isticmaalay kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Huddersfield Town todobaadkii la soo dhaafay, halka Gomes, Garner iyo Greenwood ay sidoo kale ku lug lahaayeen marxalado kala duwan oo xilli ciyaareedkan ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close