Kabtankii hore ee kooxda Chelsea John Terry oo bisha soo socota ku ciyaaraya garoonka Stamford Bridge

(London) 10 Maajo 2019. John Terry ayaa dib ugu soo laaban doona Chelsea xagaagan, marka uu halkaas ku ciyaari doono kulan saddaqo uruurin ah oo ay qabanayso hay’adda Unicef.

Kabtankii hore ee Blues ayaa dib ugu soo laaban doona garoonka Stamford Bridge maalin Axad ah oo ay taariikhdu ku aaddan tahay 16-ka bisha June markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2017-kii, si uu ugu ciyaaro England oo wajahaya koox ku ciyaareysa magaca Soccer Aid World XI.

Terry ayaa hadda ah caawiyaha tababaraha kooda Aston Villa, waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ciyaaro kulankan tabarucaadda ah oo ay qabanayso hay’adda Unicef, isla markaa ay u tahay sharaf weyn.

Waxa uu xusay kabtankii hore ee Chelsea, inuu aad ugu faraxsan yahay inuu dib ugu soo laabo Stamford Bridge, isagoo intaa ku daray in laga yaabo inuu markale koob ku qaado garoonkan markii ugu dambeysay.

“Sharaf weyn ayey ii tahay inaan dib ugu soo laabto Stamford Bridge, waxaana ku faraxsanahay inaan markale xirto maaliyadda England.” ayuu yiri Terry.

John Terry ayaa in ka badan 700 oo kulan u ciyaaray kooxda Chelsea intii lagu guda jiray 19 xilli ciyaareed oo uu kooxdaas ku sugnaa.

38-sano jirkaan ayaa kulankan waxaa kala soo muuqan doona sida la qorsheynayo Ricardo Carvalho &  ciyaaryahannadii ay Chelsea ka wada tirsanaayeen ee Didier Drogba iyo Michael Essien.

Sidoo kale waxaa kulankan ciyaari doona oo lagu casuumay ciyaartooy kale oo dhanka isboortiga kala duwan ah, waxaana ku jira xiddiga ugu dheereeya Adduunka ee Usain Bolt.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close