RASMI: UEFA oo ku dhawaaqday liiska musharaxiinta abaalmarinta xidigii ugu fiicnaa kulamadii toddobaadkan ee Champions League

(Europe) 09 Maajo 2019. Xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay magacyada 4-ta ciyaaryahan ee u sharaxan inay ku tartamaan ku guuleysiga abaal marinta ciyaaryahanka ugu fiicanaa kulamada lugta labaad wareega afar dhamaadka ee tartanka Champions League, kuwaasoo isbuucan la ciyaaray, isla markaana ay dhaceen mucjisooyin layaab leh.

Labadii habeen lasoo dhaafay ee Talaadada iyo Arbacada ayaa lagu soo daawaday, sida mucjisada leh ay kooxaha Liverpool iyo Tottenham ugu soo baxeen kulanka finalka ee tartanka Champions League, kaddib markii ay ka soo laabteen guuldarooyin ay la kulmeen kulamada lugta hore wareega afar dhamaadka ee tartanka Champions League.

Liverpool ayaa 4-0 ku garaacday kooxda Barcelona habeenkii Talaadada, kaddib markii ay kulankii lugta hore guuldaro 3-0 ah kala soo laabatay garoonka Cump Nou, halka Tottenham Hotspur ay xalay 2-3 ku garaacday kooxda Ajax Amsterdam oo kulankii lugta hore guuldaro 1-0 ah kala kulmeen.

Hadaba afarta ciyaaryahan ee u sharaxan ku guuleysiga abaal marinta xidigii ugu fiicnaa kulamadii toddobaadkan laga ciyaaray tartanka Champions League ayaa kala ah:

1- Georginio Wijnaldum (Liverpool).

2- Alexander-Arnold (Liverpool).

3- Lucas Moura (Tottenham Hotspur).

4- Moussa Sissoko (Tottenham Hotspur).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close