Liverpool iyo Tottenham inay Finalka u soo baxaan waxaa ka caawiyay Lambar isku mid ah “No.27”

(England) 09 Maajo 2019. Liverpool iyo Tottenham ayaa si isku mid ah oo lama filaan ah ugu soo wada baxay Finalka Champions League.

Reds ayaa habeen hore 4-0 uga soo adkaatay Barcelona xilli lugtii hore ee sami final ka looga soo adkaaday 3-0.

Halka Spurs oo 1-0 looga soo adkaaday lugtii hore ee lagu soo ciyaaray mininkeeda ayaa misane labo gool lagu marsiyay qeybta hore ee kulankii xalay ka dhacay Holland.

 Divock Origi scored twice as Liverpool beat Barcelona on Tuesday

Yeelkeede, laacibka reer Brazil ee Lucas Moura ayaa saddexleey ka kacay taa oo u suuro galisay in Tottenham ay markii ugu horreysay soo hiigsato kulanka kama dambeysta ee tartanka ugu xiisaha badan Yurub.

Haddaba Lambar isku mid ah No.27 ayaa Liverpool iyo Tottenham ka caawiyay inay soo gaaraan Finalka Champions League ee ka dhici doona magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spian.

Ciyaartii ay Liverpool 4-ta gool uga adkaatay Barcelona waxaa kulanka ka muuqday oo waliba labo gool dhaliyay Divock Origi oo xirta No.27.

 Lucas Moura, who also wears No 27, then scored a stunning hat-trick as Spurs stormed back against Ajax

Halka Tottenham oo 45-daqiiqo oo qura laga doonayay 3-gool si ay Finalka u hiigsato ayaa waxaa u wada dhaliyay Lucas Moura oo xirta No.27.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close