WAR CUSUB: Messi oo la Dagaalay taageerayaasha kooxdiisa Barcelona iyo ilaalada oo soo kala dhex gashay….(Sidee wax u dheceen??)

(Europe) 08 Maajo 2019. Lionel Messi ayaa la dagaalay taageerayaasha kooxdiisa Barcelona mar ay ciyaartoyda kooxda xalay saqdii dhexe ka safrayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Liverpool.

Messi ayaa xalay awood u yeelan waayay inuu kooxdiisa ka celiyo Liverpool oo 4-gool ku xaaqday xilli ay lugta hore Barca ku soo adkaatay 3-0.

Mundo Deportivo ayaa warineysa in ciyaarta kaddib taageerayaal careysan oo Barcelona ay hareereeyeen Lionel Messi mar uu ka duulayay garoonka diyaaradaha ee John Lennon.

Xiddiga reer Argentina ayaa ka soo baxay Anfield isagoo ilmeenaya waxaana si cad loo arkayay inuu ka careysan yahay natiijadii lama filanka ahayd.

Image may contain: one or more people

Messi ayaa ka haray saaxiibadiisa oo mar dambe soo gaaray garoonka diyaaradaha maadaama uu ka soo tagay Baska kooxda waayo waxaa laacibka lagu sameenayay baaritaano la xiriira dawooyinka mamnuuca ka ah ciyaartoyda.

Laacibka reer Argentina ayaa mar dambe soo gaaray garoonka isagoo uu la socdo ilaaliyihiisa gaarka ah iyo waliba tababare Pepe Costa.

Intii ay ilaalada garoonka baaritaano ku sameynayeen xiddigaha Barca, qaar ka mid ah taageerayaasha Barcelona oo careysan ayaa ku soo xoomay Messi oo qudhiisa fal celin sameeyay.

Tokeo la picha la Messi craying after Liverpool game

Balse nasiib wanaag ilaalada ayaa kala dhex gashay si uusan laacibka u galin xaalad khatar ah.

Dhanka kale, taageerayaal kale oo isla Garoonka diyaaradaha ku sugnaa ayaa u sacbo tumayay geesigooda Messi waloow uu habeenkii xalay u ahaa mid madoow.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close