Maxaa dhex maray Suarez iyo ciyaartoyda Liverpool kaddib kulankii Mucjisada ahaa ee Xalay!!??

(England) 08 Maajo 2019. Luis Suarez ayaa lumiyay kal gaceylkii ay u qabeen taageerayaasha Liverpool oo uu la joogay saddex sano iyo bar kaddib markii uu ku dabaal degay ciyaartii lugta hore ay Barcelona ku soo adkaatay 3-0.

Balse Mucjiso ayaa xalay dhacday oo Liverpool ayaa afar ugu badeshay Barca iyadoo uu Suarez ahaa cadowga taageerayaashiisii hore ee Liverpool maadaama uusan xushmad u muujin lugtii hore.

Yeelkeede, sheekadu sidaa way ka duwan tahay oo Suarez markii ay ciyaartu dhammaatay wuxuu ku cararay Kanaalka looga duso garoonka isagoona halkaa ku sugay laacibiinta Liverpool si uu ugu habalyeeyo.

Origi's 79th-minute goal sent Liverpool to the final

Saxafiga lagu magacaabo Matt Critchley ee ka howl gala hilink lagu kalsoon yahay ee beIN SPORTS ayaa sheegay in Suarez uu xabadka galinayay ciyaartoyda Liverpool isagoo ugu hambalyeeyay Final ka ay gaareen kaddib markii ay ciyaartu dhammaatay.

Suarez oo dhanka kale weeraray ciyaartoyda kooxdiisa ayaa sheegay inay u ciyaareen sida koox caruur ah, wuxuuna ugu baaqay inay cafis waydiistaan taageerayaasha, qoyska iyo kooxdaba.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close