DEG DEG: FIFA oo Jac ku dhajisay Chelsea

(England) 08 Maajo 2019. Xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA ayaa soo diiday racfaankii ay Chelsea ka gudbisay ganaaxii laga saaray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda 12-ka bilood ee soo socota.

FIFA ayaa Blues dul dhigtay ganaax ah inaysan wax ciyaartoy ah ka soo iibsan karin labada suuq ee soo socota maadaama lagu heysto sida ay ula soo saxiixatay ciyaartoy badan oo da’yar ah.

Chelsea wax awood ah uma yeelan doonto inay wax ciyaartooy ah kala soo wareegto suuqa 12-ka bilood ee soo socota maadaama laga diiday racfaankii ay u gudbisay FIFA.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close