Xiddigaha kooxda Man United oo mushaar dhimis lagu sameyn doono kaddib markii ay seegeen inay ku dhammaystaan afarta sare ee Premier League

(Manchester) 07 Maajo 2019. Ciyaartoyda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo sheegayaa in mushaar dhimis lagu sameyn doono kadib markii ay ku guuldarreysteen inay ku dhammaystaan afarta sare ee horyaalka Premier League.

Xiddigaha Manchester United ayaa la warinayaa inay wajahayaan qiimo dhimis mushaarkooda ah oo dhan 25% kaddib markii ay seegeen inay ku dhammaystaan afarta sare ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa tartan ugu jirtay ka qeyb galkeeda tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda, balse rajadaas ayaa burburtay kaddib markii ay barbaro 1-1 la soo galeen naadiga Huddersfield Town oo ay booqdeen.

Kaddib markii ay kaliya labo guul gaareen 11 kulan, Red Devils ayaa ka ciyaari doonta tartanka Europa League xilli ciyaareedka soo socda ee 2019-20.

Sida uu warinayso Wargeyska Daily Mail, inta badan ciyaartoyda garoonka Old Trafford waxay galeen qandaraas hoos u dhigaya mushaarkooda boqolkiisa shan iyo labaatan (25%) haddii ay ku guuldarreystaan inay ku dhameystaan afarta kooxood ee ugu sarreeya horyaalka tiiyoo haatan dhacday.

Warbixinta waxaa kale oo lagu sheegay in Paul Pogba uu ka mid yahay xiddigaha laga jari doonto mushaarkooda qeyb ka mid ah haddii uu kooxda sii joogayo, taasoo dhiiri gelinaysa xiddigaha kale ee naadiga.

Pogba waxaa la la xiriirinayaa markiisii labaad inuu ka tago kooxdiisa Manchester United, waxaana uu ku biiri karaa midkood Real Madrid iyo Juventus oo aad u doonaya saxiixa xiddigan reer France.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close