“Waan ka xumahay warbaahinta iyo dadka doonaya in Liverpool ay guul ku dhammaysan doono xilli ciyaareedkan” – Guardiola

(England) 07 Maajo 2019. Macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ku amaanay ciyaartoydiisa qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen inta lagu gudi jiray kulankii xalay ee Leicester City.

Kulan ciyaareedkii xalay dhex maray Kooxaha Man City iyo Leicester City ayaa ku soo dhamaaday 1-0 oo ay ku adkaadeen Skay Blues, waxayna la wareegeen hogaanka horyaalka.

Hadaba macalinka reer Spain ee Pep Guardiola ayaa ciyaarta kaddib sida caadiga ah wuxuu la hadlay saxaafada wuxuuna yiri:

“Goolka Vincent Kompany waa midaan caadi ahayn, waxaan u ciyaarnay si aan caadi aheyn”.

“Dad badan, iyo sidoo kale saxaafada, waxay filayeen inay Liverpool wax uun sameyn doonto dhamaadka xili ciyaareedka, balse anaga ayaa halkan joogna, sidaas darteed waan ka xumahay dadka, sababatoo ah wax walba waxay ku jiraan gacmaheena”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close