“Uma dabaal dagi doono sida todobaadkii hore, haddii aan gool ku dhaliyo Anfield.”. – Suarez

(Yurub) 07 Maajo 2019. Weeraryahanka kooxda Barcelona Luis Suarez ayaa xaqiijiyay in ixtiraam buuxa uu u haayo taageerayaasha Liverpool.

Dhaliyaha reer Uruguay ayaa carabka ku adkeeyay inuusan u dabaaldegi doonin si la mid ah kulankii lugta hore, hadii aan gool ku dhaliyo garoonka Anfield.

Barcelona ayaa caawa marti ku noqon doonta garoonka Anfield, si ay kooxda Liverpool u wada ciyaaraan kulanka lugta labaad ee wareega afar dhamaadka tartanka Champions League.

Haddaba xiddiga heerka caalami ee reer Uruguay ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday kahor ciyaarta caawa ka dhici doonto garoonka Anfield wuxuu ku sheegay:

“Goolkii aan dhaliyay, qof kasta ee ku xiran kubadda cagta wuxuu ka war qabaa sida uu muhiim u ahaa goolkii aan dhaliyay todobaadkii hore”.

“Waxaan ixtiraam oo dhan u hayaa taageerayaasha kooxda Liverpool, aad ayaan ugu faraxsanahay, hadii aan gool ku dhaliyo halkan, uma dabaal dagi doono sida kulankii lugta hore oo kale”.

“Inaan soo xirto maaliyada kooxda Liverpool wax badan ayay iga caawisay, sababtoo ah waxay iga dhigtay xirfadle heer sare ah, inaan la joogo halkan ciyaartoy khibrad sare leh ayaa ii ogolaatay inaan noqdo kan ugu fiican”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close