RASMI: Xiddiga ku guuleystay abaal-marinta goolkii ugu quruxda badnaa bishii April horyaalka Premier League oo la shaaciyey

(England) 07 Maajo 2019. Waxaa la shaaciyey ciyaaryahanka ku guuleystay abaal-marinta goolkii ugu quruxda badnaa ama ugu fiicnaa bishii April ee horyaalka Premier League.

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Chelsea ee Eden Hazard ayaa ku guuleystay abaal-marinta goolka ugu quruxda badnaa bishii April horyaalka Premier League, waxaana uu ku qaatay goolkii cajiibka ahaa ee uu bishii hore ka dhaliyey naadiga West Ham United.

Xiddiga xulka qaranka Belgium ayaa dhowr ciyaaryahan oo kale ku garaacay abaal-marinta goolka bisha ee Premier League, waxaana xiddigaha uu ka dul qaaday ka mid ah weeraryahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah oo isna ku tartamayay goolkii uu ugu shubay kooxdiisii hore ee Blues.

Haddaba halkaan hoose ka eeg xiddigaha uu abaal-marinta goolka ugu quruxda badanaa bishii April horyaalka Premier League uu Hazard ku garaacay iyo kooxaha ay ka kala dhaliyeen goolashaas:-

Will Hughes oo ka dhaliyey Fulham

Mohamed Salah oo ka dhaliyey Chelsea

Nathaniel Mendez-Laing oo ka dhaliyey Brighton

Gonzalo Higuaín oo ka dhaliyey Burnley

Christian Eriksen oo ka dhaliyey Brighton

Dan Gosling oo ka dhaliyey Saints

Ryan Babel oo ka dhaliyey Cardiff

DAAWO GOOLKA BISHA APRIL EE HORYAALKA PREMIER LEAGUE:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close