Vincent Kompany oo kooxdiisa gacanta ka saaray sedex dhibcood oo ay u baahnaayeen kaddib kulan ay la ciyaareen Kooxda Leicester City +Sawiro

(England) 6 Maajo 2019 kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Man City iyo Leicester City ayaa ku soo dhamaaday 1-0 oo ay ku badiyeen Kooxda Man City oo la wareegtay hogaanka horyaalka.

Kulanka ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa lagu kala nastay bar-baro gool la’an ah xili Kooxda Man City ay soo bandhigtay ciyaar aad u sareeysay qeebtii hore ee ciyaarta.

Man City ayaa abuurtay 3 jaanis oo gool loo filan karay balse midna kama aysan faa’ideysan in ay gool u badalaan fursadahaas.

Dhinaca kale Kooxda Leicester ayaa dhankeeda sameesay hal fursad oo gool loo filan karay qeebtii koowaad ee ciyaarta lkn uma suurta galin in jaaniskaas ay ka faa’ideystaan.

Waqti nasiino iyo talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan Kooxda Man City ayaana halkeedii ka sii wadatay dar darteedii aadka u sareysay.

Dadaalo badan oo ay City sameesay ugu dambeen waxaa yimid goolkii koowaad ee ciyaarta waxaana dhaliyey goolkaas kabtankooda Kompany daqiiqadii 70 aad ee qeebtii dambe ee ciyaarta.

Qaab ciyaareedka Leicester ee qeebtii dambe ee kulanka ayaa ahaa mid aad u liitay iyaga oona ku fashilmay in ay abuuraan xitaa hal isku day oo gool loo filan karay qeebtii dambe ee ciyaarta.

Ugu dambeen Kulanka ayaa ku soo idlaaday 1-0 oo ay ku adkaatay kooxda Man City oo mar kale ku soo noqotay hogaanka horyaalka Premier league.

      

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close