“Liverpool waxay u baahan tahay mucjiso si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League” – Henderson

(England) 06 Maajo 2019. Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa faalo ka bixiyay wareysi uu bixiyay dhawaan macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp, kaddib markii uu sheegay inuu ku qanacsan yahay waxa ay Reds sameysay xilli ciyaareedkan, iyadoo aan loo eegin hadii ay dhacdo inay ku fashilanto ku guuleysiga wax koob ah.

51 jirka reer Germany ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Aniga aad ayaan ugu faanayaa, anaga ahaan way iska cadahay in 100% aan sameynay isku daynay wax walba, ma sameyn karno wax intaas ka sii badan”.

“Aniga ahaan, yoolkeenu waa inaan guuleysano kulamada aan ka ciyaareyno kubadda cagta mar kasta ee suurtogal ah, wiilasha waxay sameeyeen wax ka badan intii suurtagalka ahayd sida ay ila tahay”.

Laakiin kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa dhankiisa tilmaamay in Reds ay u baahan tahay mucjiso si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League xili ciyaareedkan.

“Hadii aan runta ka hadalno, waxaan wajaheynaa loolan weyn, Man City waa koox aad u fiican, anagana sidoo kale, waxaan dagaalanay ilaa iyo dhamaadka”.

“Si walba ay ahaato, qofka ku guuleysta horyaalka, ayaa noqon doona kan u qalma, anaga ahaan waan awoodi weynay inaan soo bandhigno wax intaan ka badan”.

“Waxaan ciyaari doonaa kulankeena ugu dambeeya, waxaanan dooneynaa inaan ku dhameyneyno qaab ciyaareedkeena ugu sareeya garoonka Anfield, kaddib waxaan ku duceysaneynaa inay dhacaan wax mucjiso ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close