Kooxaha Manchester United iyo Manchester City oo ku dagaalamaya saxiixa xidig ka tirsan Juventus

(England) 06 Maajo 2019. Kooxaha Manchester United iyo Manchester City ayaa waxay si xoogan ugu dagaalamayaan sida ay ku heli lahaayeen saxiixa xidiga kooxda Juventus iyo xulka qaranka Portugal ee João Cancelo.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Corriere dello Sport” ee dalka Talyaaniga João Cancelo ayaan ku faraxsaneyn nolasha uu kaga sugan yahay kooxda reer Talyaani ee Juventus, wuxuuna doonayaa inuu muhiim ka noqdo qorshaha tababare Massimiliano Allegri, hadii kale uu isaga dhaqaaqo.

Sida laga soo xigtay wargeyska Talyaaniga, wakiilka João Cancelo ee Jorge Mendes ayaa haatan isha ku haya dalabka ugu fiican, marka loo fiiriyo codsiyada ka imaanaya kooxaha reer Manchester.

Juventus ayaa dooneysa inay ka faa’iideysato loolanka u dhexeeya labada kooxood ee Manchester United iyo Manchester City, waxayna dooneysaa inay ku iibiso João Cancelo inta u dhaxeysa 50 ilaa 60 milyan euro,

Si kastaba laacibkan reer Portugal ayaa kula guuleystay xili ciyaareedkan kooxdiisa Juventus, horyaalka Talyaaniga, balse wuxuu ku guuldareystay inuu la qaato tartanka Champions League, maadaama ay ku soo hareen wareega siddeed dhamaadka.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close