Barcelona oo fariin qiiro leh u dirtay Saalax, kahor kulanka ay habeen dambe wajahayaan kooxda Liverpool

(Yurub) 06 Maajo 2019. Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay maqnaanshiyaha weeraryahanka reer Masar iyo kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax, kulanka lugta labaad wareega afar dhamaadka ee Champions League ay habeen dambe kula ciyaari doonaan Barcelona garoonka Anfield.

Maxamed Saalax ayaa ku dhaawacmay kulankii ugu dambeeyay ay Liverpool kula ciyaartay kooxda Newcastle, kaddib markii ay isku dheceen goolhaaye Martin Dubravka inta ay ciyaarta socotay.

Hdaba kooxda Barcelona ayaa fariin qoraal ah u dirtay weeraryahanka Liverpool ee Maxamed Saalax kadib markii la xaqiijiyay inuu seegayo kulanka habeen dambe ka dhici doono garoonka Anfield.

Barcelona ayaa sheegtay in Saalax uu ka maqnaan doono Reds kulanka habeen dambe waxayna kooxda reer Catalonia u rajeesay weeraryahanka reer Masar inuu si dhaqsi ah kaga soo kabto dhaawaca soo gaaray.

“Kulamada sidaan oo kale ah, waxay u baahan yihiin ciyaaryahano heer caalami ah, waxaan kuu rajeeneynaa caafimaad deg deg ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close