Kooxda Barcelona oo war RASMI ah kasoo saartay xaalada dhaawac ee Ousmane Dembélé

(Spain) 05 Maajo 2019. Kooxda reer Catalonia ee Barcelona ayaa war rasmi ah kasoo saartay xaalada dhaawacii xalay soo gaaray Ousmane Dembélé, inta lagu gudi jiray kulankii Celta Vigo.

Laacibka reer France ee Ousmane Dembélé ayaa ciyaarta isaga baxay daqiiqadii 6-aad, sababa la xiriira dhaawac soo gaaray, wuxuuna tababare Ernesto Valverde ku qasbanaaday in badalkiisa uu keensado Alex Collado.

Hadaba kooxda Barcelona ayaa war rasmi ah ay kasoo saartay dhaawaca Ousmane Dembélé waxay ku sheegtay:

“Dhakhaatiirta waxay xaqiijiyeen in Ousmane Dembélé uu dhaawac kasoo gaaray dhanka muruqa lugta midig, isla markaana baaritaano dheeraad ah lagu sameyn doono xiliyada soo aadan, si loo ogaado heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa”.

Waxaa xusid mudan in tani ay tahay dhaawacii saddexaad ee soo gaaray Ousmane Dembélé inta lagu gudi jiro sanadkan 2019, bishii Janaayo ayuu ka maqnaa Dembélé 18 maalmood, halka sidoo kale bishii Maarso uu sababa la xiriira dhaawac la maqnaa 26 maalmood.

Sida laga soo xigtay wargeyska “AS” ee dalka Spain Dembélé ayaa laga yaabaa inuusan dib dambe garoomada u soo galin inta ka dhiman xili ciyaareedkan, waxayna arintan dharbaaxo xoogan ku tahay kooxda Barcelona maadaama ay kulan adag kula ciyaari doonaan Liverpool garoonka Anfield lugta 2-aad wareega afar dhamaadka ee tartanka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close