Kante oo dhaawac looga saaray Garoonka

(London) 05 Maajo 2019. Chelsea ayaa guul raaxo leh ka gaartay Watford iyagoona soo xirtay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League.

Balse nasiib darro waxaa garoonka dhaawac looga saaray madaalahooda N’Golo Kante mar ay ciyaartu socotay sideed daqiiqo oo qura.

Kante ayaa waxaa soo gaaray dhaawac muruqa ah oo weli la xaqiijin nuuciisa iyo inuu yahay mid halis ah.

Ruben Loftus-Cheek ayaa lagu soo badelay kaa oo dhaliyay goolka koowaad ee Chelsea oo ku adkatay 3-0. Labada gool ee kale waxaa kala dhaliyay David Luiz iyo Gonzalo Higuain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close